Arsenal Oo War Fiican Ka Heshay Baacsigii Ay Ugu Jirtay Saxiixa Philippe Coutinho

Kooxda Arsenal ayaa lau soo waramayaa in ay lacag aad u jaban ku heli doonto saxiixa xiddiga Philippe Coutinho suuqa xagaaga sida ay sheegayaan wararku.

Xiddigii hore ee Liverpool ayaa ku dhibaatooday in uu soo bandhigo qaab ciyaareed fiican 3 sano oo uu joogay Barcelona kadib markii uu lacag 160 milyan ah ugu biiray kooxda.

Waxaintaas sii dheer in ay Kooxda Liverpool haatan Barcelona ka doonayso lacag dhan 20 milyan oo euro hadii uu xiddigu 90 kulan u safto kooxda.

Sidaas darteed wargayska Mundo Deportivo ayaa doonaysa in ay iska iibiso xiddiga Philippe Coutinho halka ay lacago dheeraad ah ka bixin lahaayeen saxiixiisa.

Arsenal ayaa si aad ah u doonaysay saxiixa xiddiga Philippe Coutinho xagagii la soo dhaafay laakiin heshiiska ayaan dhicin.

Haatan isla wargayska ayaa sheegaya in ay Arsenal lacag jaban ugu dhaqaaqi doonto Philippe Coutinho xagaaga hadii ay ku fashilmaan in ay helaan saxiixa Martin Odegaard kaas oo haatan amaah kula jooga kooxda.

Philippe Coutinho ayaa dhaliyay kaliya 2 gool sidoo kale sameeyay 2 caawin 12 kulan oo horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan uu u ciyaray kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*