Arsenal Oo Wali Ka Qayb Gali Karta Europa League Inkasta Oo Ay Kaalinta 10-aad Ku Jirto & Chelsea Oo Ka Hor Taagan.

Kooxda Arsenal ayaa ku jirta kaalinta 10-aad ee kala saraynta horyaalka premier League iyaga oo 9 dhibcood ka dambeeya kooxda kaalinta 6-aad ku jirta ee Wolves booskaas oo ah booska dhanka Premier League loogaga soo boxo tartanka Europa League xilli ciyaareedka dambe.

Laakiin Gunners ayaa wali fursad u haysata in ay u soo baxdo Tartanka Europa League xilli ciyaareedka dambe laakiin waxa ka hor taagan kooxda Ay jaarka yihiin ee Chelsea.

Hadii ay Kooxda Arsenal ku guulaysato tartanka FA Cup-ka xilli ciyaareedkan waxa ay si toos ah uga soo qayb gali doontaa tartanka Europa League xilli ciyaareedka dambe.

Laakiin Waa in ay marka hore ka badiso kooxda ay jaarka yihiin ee Chelsea 1 bisha August kulan ka dhici doona garoonka Wembley.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*