Arsenal Oo Wakhti U Qabatay Dusan Vlahovic In Uu Aqbalo Dalabkeeda

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay ku wargalisay weeraryahanka Fiorentina Dusan Vlahovic in uu haysto ilaa bartamaha todobaadka dambe si uu go’aan uga gaadho dalabka ay miiska u saartay una doorto u dhaqaaqista Emirates Staduim.

Gunners ayaa la rumaysanyahay in ay riixayso saxiixa xiddiga 21 jirkan ka hor dhamaadka suuqa January waxana ay diyaar u tahay in ay ka dhigto mid ka mid ah xiddigaha ugu mushaharka badan premier League.

Si kasta ahaatee Juventus ayaa ah kooxda uu xiddigu si aad ah u doonayo in uu ku biiro maadama ay ka ciyaarayso champions league xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay La Repubblica, kooxda Mikel Arteta ayaa u sheegtay Vlahovic uu haysto ilaa bartamaha todobaadka dambe si uu u aqbalo dalabkooda uguna biiro horyaalka premier league.

Weeraryahanka ayaa la sheegayaa in uu doorbidayo in uu sii joogo kooxda Fiorentina inta ka dhiman xilli ciyaareedkan si uu xagaaga ugu biiro kooxda uu doonayo.

Vlahovic ayaa ku jira qaab ciyaareed heer sare ah xilli ciyaareedkan waxana uu dhaliyay 20 gool tartamada oo dhan 24 kulan oo uu ciyaaray