Arsenal Oo Wadnaha Farta Ku Haysa Iyo Saka Oo Sabab U Ah.

Garabka Arsenal, Bukayo Saka, ayaa dhaawac yar la baxay kulankii ay la ciyaareen Wolverhampton Wanderers, maalmo yar ka hor North London Derby-ga ay la leeyihiin Tottenham Hotspur.

Saka ayaa gool dhaliyay habeenkii Arbacada, balse ma uusan dhammaysan karin ciyaarta garoonka Molineux Stadium.

Waxaa lagu beddelay qeybtii labaad Leandro Trossard kadib markii uu ku dhaawacmay loollan ciyaareed. Inkastoo weeraryahanku uu istaagi karay, haddana Gunners-ku ma aysan rabin inay halis geliyaan, sidaas darteed ayay garoonka uga saareen si taxaddar ah.

24-jirkan, Bukayo Saka, oo toddobaadkan hore saxiixay qandaraas cusub oo shan sano ah oo uu kula sii joogayo Arsenal, ayaa ku soo bilowday kulanka isagoo sii wada soo kabashadiisa dhaawac sinta ah.

Saka ayaa hore uga baxay kulankii Premier League ee ay la ciyaari lahaayeen Leeds kadib markii uu dhaawac ku soo gaaray intii lagu jiray kululayn ka hor ciyaarta.

Si kastaba ha ahaatee, kulankii Wolves ayuu u muuqday mid qaab ciyaareed fiican ku jira, wuxuuna ku furay gool madax ah oo uu dhaliyay, taasoo muujisay inuu si wanaagsan ugu soo laabtay garoomada inkastoo uu weli ku jiro marxalad soo kabasho.

Arsenal ayaa haatan sugaysa baadhitaan lagu ogaanayao in dhaawaca Saka yahay mid daal uu sabab u yahay ama in uu dhaawac dhab ah yahay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga