Arsenal Oo Wadahadalo La Qaatay Xiddig Aad Loo Qiimeeyo Oo Ka Ciyaara Premier League.g

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay xiiso u qabto saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Leicester City ee Youri Tielemans inta lagu jiro suuqa January.

Inkasa oo uu xiddigu yahay midka ugu fiican Leiecester City hadana waxa la filayaa in uu isaga tago kooxda foxes dhamaadka xilli ciyaareedkan maadama uu hal sano ka dhimanaan doono heshiiskiisa.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa xiiso ka helaya kooxo badan oo reer yurub ah kana mid yihiin Man United, PSG, Liverpool iyo kooxo kale oo badan kuwaas oo doonaya saxixiisa.

Laakiin Sida laga soo xigtay Goal, Arsenal ayaa wadahadalo kula jirta wakiilka xiddiga Youri Tielemans si ay ugu qanciso in uu ka dago Emirates.

Arsenal ayaa suuqa ugu jirta xiddigo khadka dhexe ah kadib markii uu Arteta xaqiijiyay in ay kooxdiisu saxiix cusub oo khadka dhexe ah samayn doonto bishan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*