Arsenal ayaa wadahadalo bilow ah la qaadatay Napoli oo ku aadan saxiixa Victor Osimhen xagaagan.
Xiddiga heerka caalami ee dalka Nigeria ayaa la filayaa inuu ka tago Naples xagaagan iyadoo Paris Saint-Germain ay hogaamineyso tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka bishii hore.
Si kastaba ha ahaatee, kooxda reer France ayaa qaboojiyay xiisahooda, iyagoo diiday inay bixiyaan lacagta ay kooxda Napoli dalbanayso oo dhan 90 milyan oo euro.
Corriere dello Sport ayaa ku warameysa in Gunners ay dhawaan dib ugu laabatay Napoli si ay wax uga weydiiso xaalada ciyaaryahanka.
Be the first to comment