Arsenal Oo Wadahadalo Heshiis Cusub Ah La Furtay Xiddig Muhiim U Ah Kooxda.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo heshiis kordhin ah la furtay daafaceeda dhexe ee Gabriel Magalhaes.

Laacibka reer Brazil ayaa go’aamiyay kulankii Axadii ee Premier League ay 1-0 kaga badiyeen kooxda Tottenham kulan ka tirsanaa premier League.

Gabriel ayaa ka mid ah xiddigaha sida joogtada ah ugu ciyaara kooxda Arsenal isaga oo muhiim ka noqday kooxda 1-aad.

Sabab la xidhiidha Muhiimada Gabriel ee kooxda, maamulka Arsenal ayaa doonaya in ay hubiyaan mustaqbalkiisa.

Sida laga soo xigtay Foobtabll Insider, Gunners ayaa wadahadalo la furtay xiddiga reer Berazil si ay heshiis cusub uga saxiixato.

Arsenal ayaa xiddiga u aragta mid ka mid ah xiddigaha ugu qiimaha badan kooxda waxana ay doonayaan in ay heshiis wakhti fog ah ka saxiixdaan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga