Arsenal Oo Uu Soo Food Saaray Wel-Wel Ku Saabsan Pierre-Emerick Aubameyang & Alexandre Lacazette, Maxaa Cusub.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay ka walwalsan tahay in Pierre-Emerick Aubameyang iyo Alexandre Lacazette ay ka tagi karaan kooxda xagaagan.

Aubameyang ayaa kooxda ku qaadanaya xilli ciyaareed adag laakiin waxa uu kooxda u saxiixay heshiis cusub oo ilaa xagaaga 2023 ah.

Dhanka kale Lacazette ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisii fiicnaa ka hor intii uuna dhaawac muruqa ah soo gaadhin waxana uu heshiiskiisa kooxdu dhici doonaa xagaaga 2022 waxana si weyn loola xidhiidhinayaa kooxaha Atletico Madrid iyo Roma.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in kooxda Arsenal ka wel-welsantahay in ay labada xiddig ka tagi doonaan kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan waliba kooxda uga tagi doonaan xiddigaha Eddie Nkeitiah iyo Folarin Bologun.

Arsenal ayaa halis ugu jirta in ay seegto tartamada yurub oo dhan xilli ciyaareedkan hadii ay ku fashilanto in ay ku guulaysato tartanka Europa League xilli ciyaareedkan taas oo ah sababta ay uga wel-welsantahay in ay xiddigaha Pierre-Emerick Aubameyang & Alexandre Lacazette ka tagi doonaan.

Sii Akhriso: Waa Goorma Wakhtiga Ugu Fiican Ee Jacaylku Ku Dhici Karo Qofka? Iska Baro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*