Arsenal Oo U Dhaqaaqaysa Xiddig Kale Oo Laga Nacay Real Madrid Kadib Markii Uu Martin Odegaard Iska Diiday In Uu Dib Ugu Soo Laabto.

Rajadii Arsenal ee ahayd in ay qaab toos ah ula wareegto xiddiga Martin Odegaard ayaa dhimatay laakiin Gunners ayaa haatan bartilmaameed ka dhigatay xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Isco.

Martin Odegaard oo qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhiay ayaa xaqiijiyay in uuna qaab toos ah ugu wareegi doonin Arsenal isaga oo isaga tagay kooxda kadib markii uu dhamaaday heshiiskii amaahda ahaa ee uu kula joogay kooxda.

Kadib go’aanka Martin Odegaard uu ku diiday Arsenal kooxda ayaa haatan isku diyaarinaysa in ay qaab amaah ah ugu dhaqaaqdo xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Isco.

Mikel Arteta ayaa doonaya in uu qaab amaah hal xilli ciyaareed ah ku helo xiddiga reer Spain kaas oo doonaya in uu isaga tago kooxda Real Madrid inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Isco ayaa ku dhibaatooday in uu boos ka helo kooxda Real Madrid waxana ay Arsenal u doonaysaa in ay xiddiga ku hesho qaab amaah ah xilli ciyaareedka dambe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*