Arsenal Oo Talaabo U Qaaday Saxiixa Youri Tielemans?

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay heshiis shaqsi ah la gaartay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Leicester City Youri Tielemans.

Mustaqbalka xiddiga 25 jirka ah ayuu shaki ku jiraa iyada oo lala xidhiidhinayo kooxo dhawr ah oo ay ka mid yihiin Arsenal, Man United iyo Liverpool.

Sida laga soo xigtay saxafiga Ben Jacobs, Gunners ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga reer Belguim oo doonaya in uu ku biiro Arsenal xagaagan.

Jacobs ayaa sheegaya in kooxda Mikel Arteta ay ka shaqaynayso in ay la soo saxiixato xiddiga laakiin ayna wali wax dalab ahmiiska u saarin xiddiga.

Kooxda Leicter city ayaa qorshaynaysa in ay sii haysato xiddiga iyaga oo isku dayaya in ay heshiis cusub ka saxiixdaan xiddiga khadka dhexe.

Heshiiska Tielemans ee Leicester City ayaa dhici doona xagaaga dambe iyada oo kooxda Foxes ka wal-walsantahay in ay qaab xor ah ku waydo xiddiga.