Arsenal Oo Talaabo U Qaaday Saxiixa Xiddiga Tammy Abraham, Maxaa Cusub?

Kooxda Arsenal ayaa Talaabo Muhiim Ah u qaaday saxiixa xiddiga Weerarka uga ciyaara chelsea ee Tahmmy Abraham kadib markii ay ogolaatay mushaharka uu xiddigu dalbaday si ay u keento Emirates suuqa xagaagan.

Xiddiga weerarka ka ciyaara ee Abraham ayaa noqon kara xiddigii ugu dambeeyay ee Ku biira Arsenal kaga biiray kooxda Chelsea kadib markii uu Willian xagaagii hore ku biiray Arsenal.

Xiddiga Tammy Abraham oo Chelsea haatan ka qaata lacag dhan 80 kun oo Gini toodbaadkii ayaa doonaya in uu Arsenal ka qaato lacag dhan 125 kun oo Gini todobaadkii si uu ugu biiro Emirates xagaagan.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay ogolaato mushaharka uu dalbanayo xiddiga reer England taas oo Arsenal u dhawaynaysa in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga Abraham maalmaha soo socda.

Dhanka kale kooxaha Arsenal iyo Chelsea ayaa wadahadalo ku jira iyada oo ay labada kooxood wali isku dhaafi laayihiin mushaharka laakiin wadahalada ayaa si fiican u socda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Nooc Oo Dumarka Ah Oo Ay Tahay In Aad Ka Fogaato Nininow, Mida 4-aad Ayaa Ugu Halis Badan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*