Arsenal Oo Talaabo U Qaaday Saxiixa Sambi Lokonga, Maxaa Cusub?

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay horumar ka sameyneyso dadaalka ay ugu jirto saxiixa Albert Sambi Lokonga ka dib markii ay heshiis shaqsi ah la gaareen Xiddiga Kooxda Anderlecht.

Tababaraha Gunners Mikel Arteta ayaa suuqa ugu jira Xiddig cusub oo qadka dhexe ah ka dib markii Martin Odegaard iyo Dani Ceballos ay dib ugu laabteen Real Madrid, halka Granit Xhaka sidoo kale sheegay in uu ku dhawyahay in uu ku biiro Roma.

Arsenal tan iyo markaas waxaa si xoogan loola xiriirinayay inay u dhaqaaqeyso xiddiga kooxda Anderlecht Lokonga, waxaana la rumeysan yahay inay dalab furitaan ah oo 13.5 milyan ah Arsenal ka soo diiday kooxda reer Belguim.

Haatan, wariye Fabrizio Romano ayaa ku soo warramaya in Arsenal ay haatanba heshiis shaqsi ah la gaartay Lokonga, kaasoo doonaya inuu u wareego Emirates Stadium xagaagan.

Romano ayaa sheegaya in ay Arsenal haatan diyaarinayso dalab lacageed oo dhan 22 milyan oo euro iyo waliba lacago guno ah si ay u hesho xiddiga 21 jirka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*