Arsenal Oo Talaabo U Qaaday Saxiixa Arthur Melo, Maxaa Cusub

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay sare u qaaday dadaalkeeda ku aadan saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Juventus ee Arthur Melo iyaga oo wadahadalo la yeeshay wakiilkiisa.

Gunners ayaa suuqa ugu jirta xiddig khadka dhexe ah waxana ay dareenkooda u jeediyeen saxiixa xiddiga reer Brazil.

Inkasta oo uu si joogto ah ugu ciyaaray kooxda bishii December Arthur ayaa ka baxay qorshaha kooxda Juventus kulamadii ugu dambeeyay.

Sida laga soo xigtay saxafiga Fabrizio Romano, Arsenal ayaa wadahadalo kula jirta Wakiilka Melo kaas oo lagu arkay garoonka tababarka saacadihii la soo dhaafay.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa diyaar u ah in uu ku biiro kooxda Arsenal xilli uu akiilkiisa ku amray in uu wax walba u sameeyo sidii uu ugu biiri lahaa Arsenal.