Arsenal Oo Suuqa January U Dhaqaaqaysa Xiddig Baxsad Ka Ah Barcelona.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Barcelona ee Memphis Depay.

Arsenal ayaa la filayaa in ay suuqa January si fiican u gasho si ay u xoojiso kooxda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka ugu tartanto horyaalka premier League.

Memphis Depay ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Barcelona suuqa January iyada oo Xavi doonayo in uu iska diro xiddiga marka la gaadho suuqa January.

Sidaas darteed Arsenal ayaa doonaysa in ay ka faa’iidaysato arintaas isla markaas u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga reer Netherlands suuqa January.

Arteta ayaa doonaya in uu Memphis Depay la tartansiiyo Gabriel Jesus kaas oo aan haysan xiddig kula tartama booska weerarka tooska ah.