Arsenal ayaa laga yaabaa inay suuqa January u dhaqaaqdo daafac da’yar ah Bisha January kadib markii uu Arteta xaqiijiyay dhaawac soo gaadhay daafacyada kooxdiisa.
Arteta ayaa kulankii Brighton ku qasbanaaday in uu Declan Rice ka ciyaarsiiyo daafaca dhexe iyada oo kooxdu ku jirto dhibaato daafac.
Jurrien Timber wuu maqnaa, Riccardo Calafiori waxa uu ku dhaawacmay intii lagu jiray kululaynta ka hor ciyaarta, halka Ben White uu weli maqanyahay dhaawac muruqa bowdada.
Arteta ayaa qirtay in Gunners-ku ay tahay inay “si firfircoon u eegaan” saxiixyo cusub, iyadoo la sheegay in ciyaartoy Yurub ah ay ku jiraan liisaska indha-indheynta, sida Rodrigo Mendoza oo ka tirsan Elche, Davide Bartesaghi oo AC Milan ah, iyo weeraryahanka Eintracht Frankfurt Jean-Matteo Bahoya.
Be the first to comment