Arsenal Oo Sii Wada Guulaha & Wiilasha Mikel Arteta Oo Gaadhay Guushoodii 6-aad Ee Premier League.

Kooxda Arsenal ayaa sii wadata guulaha iyaga oo markan garaacay kooxda Brighton kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Qaybta hore:

Kulanka ayaa ahaa mid caajis ah isaga oo aan ku bilaaban si xaraadad leh iyada oo Arsenal maamulaysay ciyaarta laakiin aan horay u wadayn.

Kooxda Brighton ayaa dhankeeda difaacanaysay goolkeeda iyaga oo qaadayay weeraro aan dhankooda lahayn faa’iido badan iyaga oo halis yar galiyay goolka Arsenal.

Waxa bar-baro gool la’aan ah ku dhamaatay qaybta hore iyada oo ayna labada kooxood soo bandhigin qaab ciyaareed fiican.

Qaybta dambe:

Kooxda Arsenal ayaa qaybta dambe ku bilaabatay si ka fiican qaybtii hore iyaga oo halis galinyay goolhayaha kooxda Brighton waliba sameeyay fursado fiican.

Dhanka kubad haysashada kooxda Arsenal ayaa ku badnayd halka ay Brighton qaadaysay weeraro yar-yar oo goos-goos ah kuwaas oo aan halis xoogan galin Goolhayaha kooxda Arsenal.

Arsenal ayaa heshay laba fursadood oo cajiib ah laakiin  iska khasaariyay halka uu mid Aubameyang ka qabtay Goolhayaha kooxda Brighton.

Daqiiqadii 66-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Alexandre Lacazette kaas oo dhaliyay isla markii uu ciyaarta soo galay.

Kadib goolka kooxda Brighton ayaa Arsenal saartay cadaadis xoogan oo ay ku doonaysay goolka bar-baraha xilli ay Arsenal daafaca gashay si ay goolka u difaacato.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal gaadhay guushii 2-aad oo xidhiidh ah markii ugu horaysay tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*