Arsenal Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Dhaw Saxiixa Willian

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay rajo fiican ka muujisay fursadaha ay kula soo wareegi karaan weeraryahanka Chelsea Willian dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Brazil ayaa qarka u saaran inuu ka tago Stamford Bridge ka dib markii ay burbureen wadahadaladii heshiis kordhinta.

Heshiiska Willian Ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana ay chelsea ku dhibaatoonaysaa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga maadama uu doonayo heshiis 3 sano ah.

Si kasta ha ahaatee 31 jirkaan ayaa shaaca ka qaaday todobaadkii hore in sii joogista kooxda uu 7 sano ku soo qaatay ee Blues in ay tahay dookhiisa 1-aad.

Inkasta oo uu Willian sidaas sheegay hadana Wargayska ESPN ayaa sheegaya in ay Arsenal qarka u saarantahay saxiixa xiddiga waliba kalsooni ku qabaan in uu xiddigu kooxdooda ku soo biiri doono xagaaga.

Sii Akhriso: Guddoomiyaha Degmadda Yaaqshid Oo Isku Day Dil Ka Badbaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*