Arsenal Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Dhaqaaqaysa Saxiixa Sergio Ramos

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay u si lama filaan ah ugu dhaqaaqday saxiixa xiddiga Sergio Ramos oo ah xiddig xor ah kadib markii uu ka tagay Real Madrid.

Gunners ayaa suuqa ugu jirta saxiixa daafac cusub waxana lala xidhiidhinayaa xiddiga kooxda Brighton ee Ben White kaas oo ah bartilmaameedkooda 1-aad.

Laakiin Brighton ayaa ku adkaysay Arsenal iyaga oo dalbanaya lacag dhan 50 milyan oo euro iyo waliba lacago gunooyin ak.

Dhanka kale Ramos ayaa bilaa koox ah ilaa haatan kadib markii uu ka tagay kooxda Real Madrid inkasta oo ay kooxda PSG ku dhawdahay saxiixiisa.

Shabakada Goal ee luuqada Spanish-ka ayaa sheegaysa in ay Arsenal xiiso u muujisay saxiixa Sergio Ramos waliba la xidhiidhay wakiilka xiddiga iyaga oo ku war galiyay in ay doonayaan saxiixa xiddiga.

Isla shabakada ayaa sheegaysa in ay Arsenal qorshaynayso in ay PSG ka afduubato saxiixa xiddiga kooxda reer France ka hor inta ayna ku dhawaaqin saxiixa xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*