Arsenal Oo Rikoodh Cajiib Ah Kala Baxday Kulankii Man United.

Kooxda Arsenal ayaa rikoodh cusub dhigtay Premier League kulankii ay bar-baraha la galeen kooxda Man United kana tirsanaa horyaalka premier League todobaadkiisii 21-aad.

Kooxda Arsenal ayaa bar-baro 0/0 ah la gashay Man United kulan ka dhacay garoonka Emirates Stadium kulan ay labada kooxoodba fursado heleen.

Natiijadaas ayaa la macno ah in ayna Arsenal Man United guuldaro kala kulmin tan ilaa xilli ciyaareedkii 2017/2018 kulan ku dhamaaday 2/1.

Arsenal ayaan guuldaro kala kulmin Man United 6-dii kulan ee ugu dambaysay horyaalka premier League markii ugu horaysay 38 sano.

Markii ugu dambaysay ee ay Arsenal guuldaro kala kulmi wayday kulmi wayday Man United kulamo intaas leeg ayaa ahay intii u dhexaysay October 1980 iyo May 1983.

Waxa intaas sii dheer in aanu Mikel Arteta wax guuldaro ah kala kulmin Man United aan xitaa wax gool ah laga dhalin tan ilaa markii uu tababaraha u noqday kooxda Arsenal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*