Arsenal Oo Qorshaynaysa In Ay Premier League Ku Soo Celiso Xiddig U Soo Ciyaaray Chelsea.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay qorshaynayso in ay Premier League ku soo celiso xiddigii hore ee kooxda chelsea ee Diego Costa sida ay sheegayaan wararku.

Diego Costa Ayaa si xor ah uga tagi kara kooxda Atletico Madrid iyada oo la filayo in ay kooxdiisu kansasho heshiiska uu kula jiro kooxda.

Xiddiga 32 jirka ah ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha shiinaha iyo Brazil kuwaas oo doonaya saxiixiisa marka la gaadho suuqa kala iibsiga January.

Laakiin Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga reer Spain si ay ugu xoojiyaan kooxda qaybta dambe.

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa in ay Diego Costa ku xaliso dhibaatada gool dhalinta oo haysata xilli ciyaareedkan horyaalka premer league.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*