Arsenal Oo Qarka U Saaran Saxiixa Thomas Partey & Liverpool Oo Ka Caawinaysa.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay lacag ay ka heshay Liverpool kadib markii ay ku guulaystay horyaalka Premier League u adeegsanayso in ay ku dhamaystirto saxiixa xiddiga Khadka dhexe ee kooxda Atletico Madrid ee Thomas Partey.

Gunners ayaa lacag dhan 3 milyan oo euro ka heshay Liverpool kaas oo ay ku dartay heshiiska xiddiga Alex Oxlade-Chamberlain markii ay ka iibisay sanadkii 2017.

Mikel Arteta ayaa lacag aad u yar suuqa ku gali doona xagaaga wargayska Daily Mail ayaana sheegaya in ay lacagta ay ka heshay Liverpool ku dari doonto heshiiska Thomas.

Atletico Madrid ayaa la rumaysanyahay in ay xiddiga reer Ghana ku iibinayso 45 milyan oo euro waxana la sheegayaa in ay Arsenal haatan ku dhawdahay saxiixa xiddiga.

Isla wargayska La Razon ayaa sheegaya in ay Arsenal qarka u saarantahay dhamaystirka saxiixa xiddiga 27 jirka ah kadib markii ay Arsenal ogolaatay in ay bixiso lacagta lagu bur-burin karo heshiiska xiddiga.

Advertisements

Sii Akhriso: DEGDEG: Golaha wakiilada Somaliland Oo Kalsoonida Kala Laabtay Gudoomiyaha Xusbiga Mucaaridka Ah UCID Ee Faysal Cali Waraabe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*