Arsenal Oo Qarka U Saaran In Ay Dhamaystirto Saxiixa Xiddig U Ciyaara Chelsea

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay ugu cadcad tahay saxiixa weeraryahanka kooxda Chelsea Tammy Abraham, iyadoo Mikel Arteta doonayo in uu dhamaystiro heshiis amaah ah.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa dhaliyay gool kulankii ay chelsea guusha ka gaadhay kooxda Peterborough kulan ka tirsanaa isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Arsenal ayaa ka mid ah kooxaha doonaya saxiixa xiddiga Abraham iyada oo sidoo kale kooxaha Tottenham iyo West Ham ay sidoo kale doonayeen saxiixa xiddiga.

Sida laga soo xigtay The Sun, Chelsea ayaa diyaar u ah inay u ogolaato Abraham inuu amaah ugu biiro Gunners xilli ciyaareedka soo socda iyada oo sidoo kale lagu darayo lacag 40 milyan ah oo ay ku heli doonaan hadii ay dib u iibiso xiddiga.

Abraham ayaa la rumaysanyahay in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Arsenal iyada oo uu taageero u yahay kooxda Gunners.

Arsenal ayaa diyaar u ah in ay xiddiga qaab ahaam ah kula wareegto ka hor inta ayna 30 milyan qaab toos ah ugula wareegin xagaaga dambe.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 3 Ficil Oo Uu Ninku Si kama’ ah U Sameeyo Oo Ay Gabadhu Ku Jeclaato Isaga Oo Aan Ogayn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*