Arsenal Oo Qarka U Saaran In Ay Dhamaystirto Saxiixa Dani Ceballos & Faah-Faahinta Heshiiska Uu Ku Sii Joogi Doono Kooxda.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhawdahay in ay Real Madrid kala heshiiso in ay hal sano oo kale Amaah ku sii haysato xiddiga khadka dhexe ee Dani Ceballos.

Xiddiga reer Spain ayaa xilli ciyaareedkii dhamaaday amaah kula joogay Arsenal isaga oo tartamada oo dhan u saftay 35 kulan.

Dani Ceballos ayuu heshiiskiisa Amaahda ah dhacay kadib markii uu dhamaaday xilli ciyaareedka labada kooxood ee Arsenal iyo Real Madrid horyaalka.

Wargayska AS ayaa sheegaya in ay kooxda Arsenal wadahadalo horumar leh kula jirto Real Madrid si ay xiddiga u sii haysato 12 bilood oo kale ama xilli ciyaareed kale.

Wararka ayaa sheegaya in ay Real Madrid ku dhawdahay in ay aqbasho dalabka sabab la xidhiidha in uuna xiddiga 23 jirka ah wax dalabyo ah helin ilaa haatan.

Dani Ceballos ayaa Real Madrid ku soo biiray 2017 laakiin xiddiga ayaa ku dhibaatooday in uu si joogto ah ugu ciyaaro kooxda.

Sii Akhriso: Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad Oo Ka Hadlay Qorshaha Dawlada Ee Doorashooyinka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*