Arsenal Oo Qaaday Talaabo U Dhawaynaysa Saxiixa Ruben Neves

Kooxda Arsenal ayaa ku jirta wadahadalo ay ku iibinayso xiddigaha Granit Xhaka & Hector Bellerin taas oo ku dhawaynaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Wolves ee Ruben Neves.

Shabakada Sky Italy ayaa sheegaya in ay Arsenal wadahadalo kula jirto kooxda Villarreal kuwaas oo doonaya in ay helaan saxiixa xiddiga Hector Bellerin.

Dhanka kale kooxda Arsenal ayaa sidoo kale ku dhaw in ay Xhaka ka iibiyaan kooxda Roma sida uu sheegayo wargayska Express iyada oo uu Mourinho doonaya saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Gunners ayaa doonaysa iibka labada ka hesho lacag dhan 34 milyan oo euro si ay lacagtaas ugula soo wareegto xiddiga khadka dhexe ee Ruben Neves kaas oo uu Mikel Arteta doonayo.

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa in ay xiddiga Ruben Neves ka dhigto saxiixeeda ugu horeeya ee suuqeeda xagaaga si ay ugu xoojiso kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*