Arsenal Oo Mar Kale Ku Laabanaysa Houssem Aouar, Goorma Ayay U Dhaqaaqayaan?

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay dib u soo celin karto xiisaha ay u qabto xiddiga khadka dhexe ee kooxda Lyon Houssem Aouar marka uu furmo suuqa kala iibsiga bisha January.

Gunners ayaa si xoogan loola xiriirinayay xiddiga reer France suuqii xagaagii laakiin waxa ay ku fashilmeen in ay Lyon kala heshiiyaan qiimaha xiddiga.

Houssem Aouar ayuu laba sano iyo badh uga hadhsanyahay heshiiskiisa kooxda Lyon isaga oo si fiican ku bilowday xilli ciyaareedkan 5 gool-na ku lug lahaa.

Real Madrid iyo Juventus ayaa sidoo kale lala xiriirinayay xiddiga khadka dhexe, waxaana la sheegay in Arsenal ay seegtay fursad ay kula soo wareegi laheyd.

Laakiin wargayska football.london ayaa sheegaya in hadii ay Gunners iska fasaxdo xiddig haatan jooga kooxda suuqa January ay u dhaqaaqi doonto saxiixa xiddiga Aouar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*