Arsenal Oo Man City Ula Tagtay Qorshe Ay Ku Doonayso Saxiixa Raheem Sterling.

Kooxda Arsenal ayaa la sheegay inay daafafaca William Saliba u soo bandhigtay Manchester City si uu qeyb uga noqdo heshiiska ay ku doonayso xiddiga Raheem Sterling.

Heshiiska Sterling ee Man City ayaa dhici doona xagaaga 2023 wadahadalada heshiiska cusub-na way istaageen.

Kadib markii uu kula soo shaqeeyay Man City Mikel Arteta ayaa la sheeayaa in uu doonayo saxiixa xddiga 26 jirka ah oo sidoo kale lala xidhiidhinayo kooxda Barcelona.

Sida laga soo xigtay Calciomercato, Arsenal ayaa Man City u soo bandhigtay xiddig iyo lacag si ay u hesho saxiixa xiddiga Raheem Sterling marka la gaadho suuqa kala iibsiga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Arsenal Man City u soo bandhigtay saxiixa xiddiga Saliba iyo waliba sidoo kale xiddigaha Gabriel Martinelli & Alexandre Lacazette.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*