Arsenal Oo Looga Digay Saxiixa Martin Ødegaard

Halyeeyga Kooxda Arsenal ee Alan Smith ayaa Kooxdiisii hore iyo Tababare Mikel Arteta uga digay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Martin Ødegaard ee lala xidhiidhinayo kooxda suuqa January.

Arsenal ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa saxiixa xiddiga Martin Ødegaard kaas oo ay qaab amaah ah ugala soo wareegayso kooxda Real Madrid.

Xiddiga Martin Ødegaard ayaa Real Madrid ka dalbaday in uu isaga tago kooxda kadib markii uu boos joogto ah ka waayay kooxda Zidane xilli ciyaareedkan.

Alan Smith oo la hadlaya shabakada Stadium Astro ayaa yidhi”Waxa uu wajahay dhibaatooyin badan intii uu joogay Real Madrid waxana uu ku dhibaatooday in horumariyo qaab ciyaareedkiisa”.

“Waxa ugu dambeeya ee ay Arsenal doonayso ayaa ah in ay la soo saxiixato xiddig aan soo bandhigi karin qaab ciyaareed fiican, waxana uu ku noqon karaa Sidii Denis Suarez oo kale kaas oo kooxda yimid kadib ku dhibaatooday”.

“Martin Ødegaard diyaar uma ahan awooda jir ahaandeed ee horyaalka premier League wuuna uu ku dhibaatoon doonaa hadii uu yimaado”ayuu hadakiisa sii raaciyay.

Sii Akhriso: Sidee Ayaad Naftaada Uga Hor Istaagi Kartaa In Ay Jeclaato Qof Khaldan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*