Arsenal Oo Loo Tilmaamay Badalka Pierre-Emerick Aubameyang, Waa Xiddig Premier League Jooga.

Daafacii hore ee kooxda Arsenal Martin Keown ayaa ugu yeeray Gunners inay u dhaqaaqdo saxiixa weeraryahanka kooxda Southampton Danny Ings hadii Pierre-Emerick Aubameyang uu baxo xagaaga.

Aubameyang ayaa kooxda Arsenal kula jira heshiis ka yar 12 bilood waxana lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan hadii ay Arsenal seegto tartamada yurub xilli ciyaareedkan.

Ings ayaa ku raaxaystay xilli ciyaareed cajiib ah oo uu u ciyaaray Southampton waxana uu tartan ugu jiraa gool dhalinta horyaalka premier League Keown ayaana aaminsan in xiddiga reer England ku haboon yahay booska Aubameyang ee Arsenal.

Isaga oo la hadlaya talkSPORT ayuu Keown yidhi” Danny Ings waa xiddig cajiib ah, si xoogan ayuu cadaadis u saaraa daafacyada, waa xiddig si xoogan u shaqeeya, Southampton-na nasiib ayay u leedahay in ay haysato”.

“Waxa uu ku soo bixi karaa koox kasta, kooxo badan ayaana xiiso u muujinaya hadii suuqa la dhigo haatana waxa uu ku jiraa qaab ciyaareed fiican”.

“Hadii uu Aubameyang ka tago Arsenal waxa uu dookh u noqonayaa Arsenal, marka aad 20 gool dhaliso xilli ciyaareedka koox walba way ku xiisaynaysaa gaar ahaan hadii aad weeraryahan u baahantahay”.

“Shaki kuma jiro in kooxaha waa weyn ay si dhab ah u xiiseyn doonaan waxa uu sameeyo, wali waa xiddig da’yar ah wuuna sii fiicnaan karaa”.

“Waxa aan doorbidi lahaa in uu Aubameyang sii joogo Arsenal laakiin hadii uu ka tago kooxda waxa aan dooranayaa in uu Ings badalkiisa yimaado”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*