Arsenal Oo Loo Sheegay Laba Kooxood Oo K Hor Istaagi Doona Ku Guulaysiga Saddex Koob

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee xulka England, Paul Merson, ayaa magacaabay laba kooxood oo uu rumeysan yahay inay ka hor istaagi karaan Arsenal inay ku guuleysato saddexleyda (Treble).

Kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta ayaa horey uga hartay koobka Carabao Cup, kadib markii si cad looga adkaaday finalkii ay la ciyaareen Manchester City Axaddii lasoo dhaafay.

Si kastaba, Gunners-ka wali waxay ku jiraan tartanka Premier League, FA Cup iyo UEFA Champions League.

Merson wuxuu aaminsan yahay in Arsenal aysan ku guuleysan karin FA Cup iyo Champions League, sababtoo ah waxay la kulmi karaan City iyo Barcelona, siday u kala horreeyaan.

Wuxuu yiri:“Manchester City wali waxay ku jiraan FA Cup-ka. Marka aad daawato ciyaartaas, way adag tahay inaad aaminto in Arsenal ay ku laaban doonto Wembley oo ay ka badin doonto*

“Kadibna Champions League-ka, marka aan eego Barcelona — oo ay Arsenal u badan tahay inay la ciyaarto semi-final-ka — Arsenal ma haystaan xawaare ku filan oo ay ku jebiyaan difaaca sare ee Barcelona.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga