Arsenal Oo Loo Sheegay In Rikoodhe Laga Diiday Kulankii Man City & Xiddigaha Gunners Oo Sabab U Ah.

Xiddigii hore ee kooxda Arsenal ee Sol Campbell ayaa sheegay in Arsenal laga diiday rikoodhe kulankii Man City sabab la xidhiidha in ayna xiddigaha kooxdu ku uruurin garsooraha si ay ugu cadaadiyaan in uu rikoodhe u dhigo ama uu VAR u eego.

Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa guuldaro 1/0 ah kala kulantay Man City laakiin waxa uu daafaca Kyle Walker lugtiisa kor ugu qaaday daafaca Gabriel xilli ay Arsenal koorne laadanaysay.

VAR ayaan eegin dhacdadaas taas oo ka xanaajisay taageerayaasha Arsenal iyo waliba qaar ka mid ah Halyeeyada kooxda Arsenal.

Gary Neville ayaa Campbell waydiiyay in ay ahayd in rikoodhe loo qabto kooxda Arsenal markii la aaday qaybtii nasashada ee kulanka.

“Waxan u malaynaa waa rikoodhe”ayuu Campbell ku jawaabay.

“Waxa aan arkay iyada oo rikoodhe lagu dhigay dhacdadaas”.

“Waxan u malaynayaa in ay xiddigaha Arsenal cadaadis saaraan garsooraha si uu garsooruhu u eego VAR”Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*