Arsenal Oo Loo Sheegay Halka Wado Ee Ay Ku Heli Karto Saxiixa James Maddison

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay ku qasbanaan doonto inay bixiso 60 milyan oo euro hadii ay doonayaan inay helaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Leicester City ee James Maddison xagaagan.

Gunners ayaa raadinaysa saxiixa xiddigo khadka dhexe ah kadib markii ay waday xiddigo khadka dhexe ah qaar kalena la filayo in ay wadyo inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Si kasta ha ahaatee wargaysk football.london ayaa sheegaya in ay Leicester City dalban doonto lacag dhan 60 milyan si ay u iibiso xiddiga reer England kaas oo uu heshiiskiisa ka dhimantahay 3 sano.

Dadka ku dhaw Maddison ayaa filaya in ay Arsenal dalab Rasmi ah ka gudbiso saxixia xiddiga maalmaha soo socda inkasta oo ay chelsea sidoo kale xiiso u muujisay saxiixa xiddiga 24 jirka ah.

Xiddiga Maddison ayaa ku lug lahaa 15 gool xilli ciyaareedkii hore 8 gool iyo 7 caawin 31 kulan oo premier League uu saftay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*