Arsenal Oo Loo Sheegay Halka Wado Ee Ay Ku Heli Karto Saxiixa Emiliano Buendia

Kooxda Arsenal ayaa loo sheegay qiimaha dhabta ah ee ay ku heli karto saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Norwich City ee Emiliano Buendia.

Arsenal ayaa loo sheegay in ay miiska saarto lacag dhan 50 milyan oo euro hadii ay doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Emiliano Buendia inta lagu jiro bishan January.

Kadib bixitaankii Mesut Ozil Arsenal ayaa suuqa u galaysa xiddig kubad sameeye ah inta lagu jiro suuqa January ee bishan.

Si kasta ha ahaatee Sky Sport ayaa sheegtay in ay Arsenal u baahantahay in ay bixiso lacag dhan 50 milyan oo euro hadii ay doonayso saxiixa xiddiga.

Emiliano Buendia oo 24 jir ah ayaa dhaliyay 7 gool sidoo kale caawiye ka noqday 7 kale horyaalka Heerka 2-aad ee England xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: Qaabka Aad U Xoojin Kartiin Jacaylkiina, Tallo Muhiim Ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*