Arsenal Oo Loo Sheegay Halka Wada Ee Ay Ku Heli Karto Saxiixa Aaron Ramsdale

Kooxda Sheffield United ayaa lagu soo waramayaa in ay Arsenal u sheegtay in ay bixiso lacag dhan 32 milyan o euro hadii ay doonayso in ay hesho saxiixa Goolhayaha Aaron Ramsdale xagaagaan.

Goolhayaha 23 jirka ah ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Sheffield United kadib markii ay kooxdu ka hadhay premier League Arsenal ayaana si weyn loola xidhiidhinayaa saxiixiisa.

Ramsdale ayaa laga dhaliyay 63 gool xilli ciyaareedkii hore laakiin waxa uu xulka England kala qayb galay tartankii Euro 2020 kadib markii uu dhaawacmay Goolhaye Dean Henderson.

Sida laga soo xigtay The Times, Arsenal ayaa haatanba laga diiday laba dalab oo ay ka gudbisay Goolhayaha iyada oo ay kooxda Sheffield United dalabanayso lacag dhan 32 milyan oo euro.

Ramsdale ayaa kooxda Sheffield United ku biiray xagaaii hore waxana uu qalinka ku duugay heshiis 4 sano ah laakiin waxa uu doonayaa in uu isaga tago kooxda si uu ugu biiro koox premier League.

Sii Akhriso: Calaamadaha Aad Ku Ogaan Kartid In Aad Jeceshahay Qof Aan Ku Jeclayn

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*