Arsenal Oo Loo Sheegay Halka Arin Ee Pierre-Emerick Aubameyang Ku Qancina Kara In Uu Sii Joogo Arsenal Waliba Heshiis Cusub U Saxiixo.

Kooxda Arsenal ayaa loo sheegay in ku guulaysiga FA Cup-ku uu xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang ku qancin karo in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Arsenal.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa galay 12-kii bilood ee ugu dambeeyay heshiiskiisa Arsenal iyada oo lala xidhiidhinayo kooxo ay ka mid yihiin Barcelona iyo Inter Milan.

Arsenal ayaa xilli ciyaareed kale seegi doonta champions League kadib xilli ciyaareed niyad jabsan oo ay soo qaadatay premier League laakiin waxa ay u tartamaysaa Europa Leageu.

Laakiin waxa ay xilli ciyaareedkooda ku Badbaadin karaan Ku guulaysiga FA Cup-ka kadib markii ay iska xaadiriyeen Final-ka tartanka.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dhaliyay 2 gool ee ay kooxda Arsenal ku dhaaftay Man City isagana xaadirisay Final-ka FA Cup-ka.

Alan Shearer ayaana sheegay in Ku guulaysiga FA Cup-ku Aubameyang ku qancin karo in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Arsenal siina joogo kooxda.

“Arinta muhiimka ayaa ah waxa Arsenal ku dhici doona Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo dhaliyay 2-dii gool ee Semi-fina-ka FA Cup-ka”ayuu Shearer u sheegay Sun.

“60 Gool oo uu dhaliyay 93 kulan waa rikoodh cajiib ah, Aubameyang waa xiddig cajiib ah inkasta oo uu jiro 31 sano”.

“Waxaaan aaminsanahay in ku guulaysiga FA Cup-ka ee Arsenal in uu ka caawin doono in ay heshiis cusub ka saxiixato Aubameyang”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*