
Ian Wright ayaa sheegay in Noni Madueke ay tahay inuu ku soo bilowdo garabka midig Kulanka Liverpool haddii cabsida ugu xun ee Arsenal ee Bukayo Saka la xaqiijiyo ka dib dhaawaciisii kulankii Leeds.
Arsenal ayaa 5-0 ku garaacday kooxda Leeds ee dhawaan soo dalacday waxayna sii wadatay rekoodhka boqolkiiba boqol ee kulankeeda furitaanka horyaalka Premier League.
Viktor Gyokeres ayaa dhaliyay laba gool halka Jurrien Timber uu dhamaystiray labadiisa gool ee abid ugu horeeyay maalin xusuus ah oo Gunners ah, taas oo ku bilaabatay Eberechi Eze lagu soo bandhigo Emirates.
Saka ayaa sidoo kale ka mid ahaa gooldhaliyeyaasha markii ugu horeysay xilli ciyaareedkan, isagoo kubad dabamariyay Lucas Perri si ay kooxda martida loo ahaa u xakameeyaan ciyaarta waqtigii nasashada.
Laakiin Saka ayaan dhamaysan ciyaarta waxana uu dhaawac muruqa ah uga baxay daqiiqadii 53-aad ee ciyaarta.
Wali lama shaacin xaalada xiddiga Iyo inta uu maqnaan doono laakiin Arteta ayaa sheegay in uu dhaawaca soo gaadhay Saka yahay mid halis ah.
Wright ayaa aaminsan in dhaawaca Saka war fiican u tahay Madueke isla markaas ay tahay in uu isagu badalo Saka.
Isaga oo ka hadlaya dhaawaca Saka ayaa yidhi”Tani waa sababta ay saxiixyadu muhiim u yihiin”ayuu yidhi.
“Madueke waxa uu ka ciyaari karaa garabka waxana uu noqon karaa badalka Saka”.
Be the first to comment