Arsenal Oo Loo Sheegay Badalka Saxda Ah Ee Mesut Ozil.

Halyeeyga Kooxda Tottenham David Ginola ayaa sheegay in Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Lyon ee Houssem Aouar yahay badalka ugu haboon ee Arsenal ee Mesut Ozil.

Kooxda Gunners ayaa si aad ah u doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kubad sameeyaha reer France intii lagu jiray suuqii kala iibsiga xagaaga laakiin ku fashilantay in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga.

Xilli uu heshiiska Ozil dhici doono xagaaga dambe David Ginola Ayaa u sheegay Sky Sports”Haa, sidaas ayaan u malaynayaa, Aouar waxa uu noqon karaa badalka ugu fiican ee saxda ah”.

“Shaki la’aan waa nooca xiddiga ee ay Taageerayaasha Arsenal jecelaan doonaan in ay daawadaan”.

“Hadii uu doonayo in uu sii joogo Lyon taasi waa go’aankiisa, wali xiddig da’yar ah”.

“Laakiin waxa aan aaminsanahay in uu yahay dookha ugu fiican ee ay Arsenal ku badali karto Mesut Ozil”.

Sii Akhriso: XASAASI: Xildhibaanada Reer Somaliland Ee Muqdisho U Shaqatagy Oo La Soo Dareerinayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*