Arsenal Oo Ku Kalsoon Saxiixa Xiddig Wacdaro Ka Dhigaya Premier League.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay ku kalsoon tahay inay ku guuleysaneyso tartanka loogu jiro saxiixa Xiddiga khadka dhexe ee Brighton & Hove Albion Yves Bissouma.

Xiddiga reer Mali ayaa sii wada qaab ciyaareedka cajiibka ah ee uu ku qaadanayo kooxda Brighton isaga oo ku bilowday horyaalka premier League 31 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Brighton ayaan ku jirin khatarta ah in ay ka hadho horyaalka laakiin Bissouma ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda kooxda Arsenal ayaana xiiso muddo dheer ah u qabta xiddiga 24 jirka ah.

Sida laga soo xigtay Daily Star, kooxda ka dhisan Waqooyiga London ayaa rumeysan inay hogaaminayaan tartanka loogu jiro saxiixa Bissouma, laakiin Brighton ayaa dalban doonta lacag dhan of 30 milyan oo euro.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Mikel Arteta xiddiga Bissouma u calaamadsaday xiddiga ka garab ciyaari kara xiddiga Thomas Tuchel laakiin waxa au tartan kala kulmyaaan kooxaha ka ciyaara premier League.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Waddo Oo Khaldan Oo Fashil Ah Oo Ay Ragga Qaar Jacaylkooda Ugu Soo Bandhigaan Gabadha Ay Jecelyihiin, Iska Ilaali Ninow.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*