Arsenal Oo Ku Faa’iido Qabta Ku Biirista Paul Pogba Ee Juventus, Qaab Noocee Ah.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay ka faa’iidayso ka tagista Xiddiga Paul Pogba ee kooxda Man United xilli ay Juventus doonayso in ay uruuriso lacag ay kula soo saxiixato xiddiga reer France.

Wakhtigii Paul Pogba ee Man United ayaa u muuqda mid soo dhamaanaya iyada oo lala xidhiidhinayo in uu isaga tagayo kooxda.

Xiddigii hore ee Juventus ayaa kooxda Serie A-da u dhaliyay 34 gool 178 kulan oo uu u ciyaaray tartamada oo dhan.

Wargayska Le10 Sport ayaa sheegaya in ay Arsenal ka faa’iidi doonto ku biirista Pogba ee Juventus maadama ay heli doonto saxiixa xiddig u ciyaara Juventus.

Kooxda Juventus ayaa iska iibin doonta xiddiga khadka dhexe ee Adrien Rabiot kaas oo ah xiddig uu Mikel Arteta doonayo saxiixiisa suuqa xagaaga.

Advertisements

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*