Arsenal Oo Ku Dhawaaqeysa Saxiixeedii Ugu Horeeyay Xagaaga, Qadka Dhexe Ayaa Caafimaad U Maraya

Arsenal ayaa ku dhaw in ay ku dhawaaqaan saxiixoodii uu horeeyya ee xagaaga iyaga oo ka keenaya horyaalka Belgium-ka

Arsenal ayaa dooneysa in ay kooxda ku soo kordhiyaan qad dhexe ka dib markii kooxda ka tageen  Mattéo Guendouzi ,Dani Ceballos iyo Odegaard xilli Granit Xhaka isna u dhaw yahay in xagaagaan u ka aado Roma

Wargeyska Mirror ayaa haatan qoraya in Arseal hishiis la gaareen kooxda  Anderlecht waxa ayna u dhaw yihiin in ay helaan saxiixa Albert Sambi Lokonga

Laaicbkaan 21 sano  jirka ayaa  waxa la xaqiijiyay in haatan u ku sugan yahay London si tijaabada caafimaadka uu ugu mao Arsenal

Laacibkaas reer Belgium  balse  asalkiisa yahay Congo  ayaa Arsenal waxaa uga  baxeysa aduun gaaraya 17 milyan oo gini

Albert Sambi Lokonga ayaa kooxdiisa u saftay 37 kulan dhamaan tartamada xilli ciyareedki hore waxa uuna dhaliyay sedex gool

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*