Arsenal Oo Ku Dhaw Saxiixeedii 2-aad Ee Suuqa Xagaaga.

Arsenal ayaa qarka u saaran inay dhamaystirto saxiixa xiddiga Mikel Merino kaas oo ay ka dhigayso saxiixeeda 2-aad ee suuqa xagaaga.

Gunners ayaa mar hore la saxiixatay xiddiga Riccardo Calafiori kaas oo ay kala wareegtay Bologna halka ay Saxiixa David Raya Ka Dhigtay mid joogto ah.

Xiddiga Merino ayaa noqon doona saxiixii 2-aad oo muhiim ah iyada oo xiddiga 28 jirka ah Gunners kaga biirayo Real Sociedad.

Arsenal ayaa saxiixa xiddiga khadka dhexe ku dhamaystiraysa lacag dhan 30 milyan oo euro iyo waliba lacago gunooyin ah.

Mikel Arteta ayaa doonaya xiddiga ku guulaystay Euro 2024 waxana ay saxiixiisa ku garaacayaan kooxda Athletico Madrid.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga