Arsenal Oo Ku Dhaw Saxiixa Xiddiga Willian & Faah-Faahinta Heshiiska Ay U Soo Bandhigeen Oo La Ogaaday.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay si aad ah ugu kalsoontahay in ay dhamasytiri doonto saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda chelsea ee Willian inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Xiddiga 31 jirka ah oo qaab ciyaareed cajiib ah ku jira ayaa xor noqon doona dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib markii uu iska diiday heshiiskii cusubaa ee ugu dambeeyay ee ay Blues u soo bandhigtay.

Willian ayaa diiday dalab 2 sano ah oo ay chelsea u soo bandhigtay isaga oo doonaya heshiis 3 sano ah taas oo ah mid ayna Chelsea doonayn in ay ogolaato sabab la xidhiidha da’da xiddiga.

Laakiin Arsenal ayaa u furan fikirkaas iyaga oo diyaar u ah in ay Willian miiska u saaraan heshiis 3 sano ah oo ay waliba kaga dhigayaan xiddiga ugu mushaharka badan sida laga soo xigtay wargayska France Football.

Wargayska ayaa sheegaya in ay Arsenal iyo xiddigu ku jiraan wadahadalo horumar leh heshiiskana lagu dhawaaqi karo maalmaha soo socda.

Sii Akhriso: 3 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Is Miidaamin Ah Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*