Arsenal Oo Ku Dhaw In Ay Ku Dhawaaqdo Heshiiska Cusub Ee D’ayarka Wacdaraha Dhigaya Ee Bukayo Saka, Imisa Ayuu Qalinka Ku Duugay.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay todobaadkan ku dhawaaqi doonto heshiis cusub oo uu qalinka ku duugay xiddiga da’yarka aha ee Bukayo Saka.

Xiddiga 18 jirka ah ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican Arenal xilli ciyaareedkan isaga oo ciyaaray 33 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Xilli uu heshiiskiisu dhici doono Mikel Artet ayaa si aad ah u doonaya in uu sii haysto xiddiga waxana la sheegayaa in ay Gunners dhamaystirayso heshiiska cusub ee xiddiga sida uu sheegay wargayska The Athletic.

Heshiiska cusub ayaa imanaya wakhti u fiican Arenal kadib markii ay 2 kulan oo xidhiidh ah badiyeen kadib markii ay si xun ku bilaabatay dib u bilaabista xilli ciyaareedka.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Arsenal maalmaha yar ee soo socda ku dhawaaqi doonto heshiis cusub oo dhan 5 sano ah oo uu xiddiga Saka kooxda u saxiixay.

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*