Arsenal Oo Ku Dhaw In Ay Heshiis Cusub Ka Saxiixato William Saliba

Kooxda Arsenal ayaa ku dhaw in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga daafaca uga ciyaara ee William Saliba sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga William Saliba ayaa muhiim ka noqday kooxda Arsenal tan ilaa markii uu ku soo laabtay kooxda bilowgii xilli ciyaareedka kana soo laabtay amaahdii uu uga maqnaa kooxda.

William Saliba Ayaa laf dhabar ka noqday kooxda Arsenal xilli ciyaareedkan isaga oo ciyaaray dhamaan kulamadii premier League ee kooxda.

Heshiiska William Saliba ee Arsenal ayuu ka dhimanyahay 2 sano waxana ay kooxdu doonaysay in ay sii haysato xiddiga kadib qaab ciyaareedkii fiicnaa ee uu ku soo bandhigay kooxda ilaa haatan.

Sida laga soo xigtay Saxafiga Rudy Galetti, Arsenal iyo William Saliba ayaa heshiis cusub isku af gartay iyada oo labada dhinac heshiis afka ah ka gaadheen mustaqbalka.

Xiddiga William Saliba ayaa qalinka ku duugi doona heshiis ilaa xagaaga 2027 ah isaga oo mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda Arsenal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*