Arsenal Oo Ku Biirtay Baacsiga Loogu Jiro Saxiixa Jack Grealish Laakiin Markiiba Isaga Hadhay, Maxay Tahay Sababtu?

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay xiiso u muujisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Aston Villa ee Jack Grealish.

Kadib markii uu kooxda Aston Villa ka caawiyay in ay sii joogto horyaalka premier League Jack Grealish ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Man United.

Laakiin Sky Sport ayaa sheegaysa in ay Arsenal si Rasmi ah ula xidhiidhay kooxda Aston Villa iyaga oo ku war galiyay xiisaha ay u qabaan saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Si kasta ha ahaatee Gunners ayaa isla markiiba ka laabatay xiisaha xiddiga sabab la xidhiidha qiimaha Aston Villa ay doonayso in ay ku iibiso ee dhan 80-ka Milyan oo euro.

Go’aanka Aston Villa ee ah in ay 80 Milyan oo euro ku iibinayso xiddiga Jack Grealish ayaa keeni kara in ay uu xiddigu xilli ciyaareed kale sii joogo Aston Villa.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*