Arsenal Oo Koox Italy Ah Ka Ogalaatay In Ay Ka Iibiyaan Sead Kolasinac.

Kooxda Roma ayaa lagu waramayaa in ay hor mar ka sameeyeen in bisha Janauary ay la hishiiyaan daafaca Arsenal ee Sead Kolasinac.

Wiilka reer Bosnoia ayaan aheyn dooqa koowaad ee dafaac bidix kooxdaas Arsenal waxaana daaqadda kala baxay Kieran Tierney.

Intiii suuqa xagaaga uu furnaa waxaa soo baxay xogo ah in Kolasinac uu dib ugu laaban doono kooxdiisa hore Schalke balse taasi ma dhicin waxa uuna hishiiskiisa haatan uu dhacayaa xagaaga 2022-ka

Haatan sida wargeyska Corriere dello Sport uu soo xiganayo , Arsenal ayaa ogalaatay in kooxda Roma ka iibiyaan 27 sano jirkaas xilli kooxda reer Italy ay dareemeyso baahi dhanka daafaca ah .

Lama helin qiimaha uu Kolasinac ku bixi doono kaasi oo kooxda Arsenal u yimid 2017-dii waxa uuna tan iyo mudadaas uu saftay 108 kulan halka uu shabaqa uu soo taabtay 5 jeer

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*