Arsenal Oo Ka Warbixisay Xaalada Xiddigaha Pierre-Emerick Aubameyang, Bukayo Saka, Martin Odegaard & Emile Smith Rowe Ka Hor Kulanka Slavia Pague.

Xiddigaha Bukayo Saka & Emile Smith Rowe ayaa taam u noqday kulan Arsenal ee Europa league ee ay la ciyaari doonaan kooxda Slavia Pague inkasta oo ay xiddigaha Pierre-Emerick Aubameyang iyo Martin Odegaard wajahayaan tijaabo kale.

Gunners ayuu wel-wel kaga jiraa taam ahaanshaha dhawr xiddig oo kooxda 1-aad ah ka hor kulanka ugu muhiimsan xilli ciyaareedkooda ee Lugta 2-aad ee 8 dhamaadka tartanka Europa League.

Odegaard ayaa seegay kulankii ugu dambeeyay halka uu Aubameyang sidoo kale seegay kulankii sheffield United ee premier League walina labada xiddig ayuu shaki ku jiraa taam ahaanshohooda.

“Auba waxa uu seegay kulankii Axadii sabab la xidhiidha in uuna fiicnaan dareemin”ayay Arsenal sheegtay.

“Auba wali waa la sii qiimayn doonaa ka hor kulanka Slavia”.

“odegaard wali waxa uu dareemayaa raaxo la’aan dhanka kuraanta ah tan ilaa markii uu ka yimid waajibaadka xulkiisa isagana waa la qiimayn doonaa xalaadiisa”.

“Laakiin Saka iyo Smith Rowe waxa ay taam u yihiin in ay ku bilowdaan kadib markii ay soo kabsadeen”ayay kooxdu sii raacisay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Nooc Oo Dumarka Ah Oo Ay Raggu Iska Ilaaliyaan Waliba Ayna U Soo Istaagin, Ayay Kala Yihiin?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*