Arsenal Oo Ka Warbixisay Xaalada Gabriel Martinelli &Pablo Mari. Iyo Midkood Oo Garoomada Ka Maqnaan Doona Ilaa Sanadka 2021.

Gabriel Martinelli ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhamaadka sanadka kadib qaliin jilibka ah laakiin Arsenal ayaa soo saartay war aad u wanaagsan oo ku saabsan dhaawaca Pablo Mari.

Martinelli oo ahaa Gooldhaliyaha 2-aad ee ugu goolasha badan kooxda isaga oo dhaliyay 10 gool 26 kulan ayaa qaliin lagu guulaystay ka maray jilibka ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray jilibka bidix bishii hore.

Laakiin 19 jirka weerarka ka ciyaara lama filayo inuu ku soo laabto tababarka buuxa ilaa dhamaadka 2020.

Si kastaba ha noqotee, waxaa jiray war wanaagsan oo ku saabsan daagaca dhexe ee Mari kaas oo qarka u saaran in uu ku soo laabto tababarka bisha September kaas oo dhaawac kuraanta ah ka soo gaadhay kulankii Man City ee bishii hore.

Bayaan la soo dhigay bogga rasmiga ah ee kooxda Arsenal ayaa lagu sheegay in Martinelli uu haatan ka soo kabanayo dhaawac jilibka ah ka dib qaliinkiisa, kaasoo dhacay todobaadkii ugu dambeeyay ee June.

Bayaanku ayaa la sii raaciyay”Qalliinka waa lagu guulaystay kadib markii lala tashaday dhakhaatiirta caafimaadka waxa uu Gabi samaynayaa horumar fiican waxana uu bilaabay marxalada soo kabsashada”.

“waxa uu sii wadan doonaa soo kabashadiisa inta lagu gudajiro xilli ciyaareedka, iyadoo ujeedku yahay inuu ku soo laabto tababarka buuxa dhamaadka 2020”.

Mari ayaa Arsenal kaga soo biiray amaah ahaan kooxda Flamengo bishii January waxaana uu si joogta ah ugu biiray Emirates horaantii bishaan, isagoo qalinka ku duugay heshiis afar sano ah.

xiddiga 26 jirka ah ayaa haatan laga saaray qalabkii lagu taageerayay kuraantiisa kadib markii uu khabiir ku takhasusay dhaawaciisa la kulmay wakhtigii la soo dhaafay.

Sii Akhriso: Dowlada Federaalka Somalia & Madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha Ka Ah Oo Ku Kulmaya Dhuusomareeb

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*