Arsenal Oo Ka Warbixisay Xaalada Aubameyang, Partey & Martinelli Ka Hor Kulanka Chelsea.

Kooxda Arsenal ayaa ka warbixisay xaalada xiddigaha Pierre-Emerick Aubameyang, Thomas Partey & Gabriel Martinelli ka hor kulankooda chelsea.

Kooxda Arsenal ayaa ku jirta xaalad adag dhanka qaab ciyaareedka iyaga oo 8 kulan laga badiyay 14-kii kulan ee ay ilaa haatan ciyaareen dhaawacyada ayaana xaalka ku sii xumeeyay kooxda Mikel Arteta.

Kabtanka kooxda ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa seegay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee Arsenal kadib markii uu dhaawac Muruq lugta ah soo gaadhay.

Saxiixa xagaagii ku soo biiray kooxda ee Thomas Partey ayaa dhankiisa dhaawac muruqa ah kaga maqnaa tan ilaa kulankii Tottenham halka uu xiddiga Gabriel Martinelli ku dhaawamay kulankii Man City ee Carabao cup-ka.

Kooxda Arsenal ayaa maanta oo khamiis ah sheegtay in ay labada xiddig ee Pierre-Emerick Aubameyang iyo Gabriel Martinelli Fursad u haystaan in ay ciyaaraan kulanka Chelsea inkasta oo si dhaw loola socon doono xaaladooda ka hor kulanka chelsea.

Laakiin xiddiga Thomas Partey ayaan ciyaari doonin kulanka chelsea maadama uuna wali tababarka buuxa ee kooxda ku soo laaban.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*