Arsenal Oo Ka War Bixisay Xaalada Thomas Partey Ka Hor Kulanka Leeds United.

Xiddiga khadka dhexe ee Thomas Partey ayaa la xaqiijiyay in uu seegi doono kulanka Leeds United ee Axada sabab la xidhiidha dhaawac bdawadada ah.

Xiddigii hore ee Atletico Madrid ayaa dhaawac ku baxay qaybtii hore ee kulankii Aston Villa ee ka hor fasaxii xulalka.

Partey ayaa sii watay soo kabsashadiisa intii lagu jiray Fasaxii xulalka kooxda ayaana sheegtay in uu seegi doono kulanka Leeds United.

Sidaas darteed kooxda ayaa sheegtay in uu xiddiga khadka dhexe seegi doono kulanka Leeds United ee horyaalka premier League.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda Arsenal marka loo eego in uu xiddigu si fiican ula soo qabsanayay kooxda kadib markii uu ku soo biiray kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*