Arsenal Oo Ka Talaabsatay Sheffield United, Xilli Is Badelka Guusha Uu Yimid Qeybtii Labaad

Arsenal ayaa guul ay u qalmeen waxa ay ka gaareen Sheffield United oo ay uga  talaabsadeen 2/1

Sheekada labada qeyb : Arsenal iyo Sheffield United ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah , waxa uuna kulankaas ka tirsanaa wareegga 4-aad ee horyaalka Ingiriiska .

Qeybtaas hore waxa ay ciyaarta aheyd mid ku adag Arsenal dhanka weerarka oo daafaca Sheffield United waxa uu ahaa mid habeysan oo bilaa qalad ayay iska hor taagayeen weerar waliba oo ay wiilasha Arteta sameeyeen

Labada dhianc halis muuqata iskuma aysan sameyn marka laga yimaado hal fursad oo daqiiqadii 37-aad goolhayaha Sheffield United ka bad baadiyay Aubameyang

Arsenal mamaulka kubadda waa kaga sareeyeen Sheffield United balse ma aheyn mid wax tar weyn leh oo goosha ma aysan gaarsiineyn.

Guud ahaan qeybtaas hore waxaa ka muuqatay foojignaan labada koox ah oo kala baqid ayaa jirtay balse qeybta labaad waa la filan karay is badel .

Biloowgii qeybta hore, Arsenal maamulka kubadda iyaga ayaa cagta ku hayay xilli Sheffield United daafac ku jireen waxa ayna Arsenal daqiiqadii 51-aad ku sigteen gool balse fusradaas kama uusan faa`ideysan Aubameyang , waxa ayan Arsenal daqiqaidi 58-aad soo giliyeen Nicolas Pepe oo loo saaray Edward Nketiah

Kubad haysashadii Arsenal iyo cadaadiskii ay sameeyeen waxa ay ku gool uu dhaliyay Sako daqiiqadii 61-aad ka dib kubad uu soo qajafeeyay Hector Bellerin

Ka dib goolkaas , Arsenal weerarkooda joogto ayuu noqday xilli Sheffield United ay ku adkaatay in kubadda horay u soo jiidaan illaa ay keeneen gool labaad uu saxiixay Nicolas Pepe daqiiqadii 64-aad

Sidaas oo ay tahay Sheffield United , dhamadkii kubadda horay ayay u soo dhaqaajinayeen illaa ay keeneen gool labaad cajiib ah oo uu ka muuqdo qalad dhanka daafac aha waxa uuna yimid daqiiqadii 84-aad

Arsenal daqiaiadihii 81-aad iyo 87-aad waxa ay soo giluyeen Xhaka iyo Maitland oo lo saaray Ceballos iyo Saka , waana laga filan karay gool sedexaad balse wax aay ciyaarat ku dhamaaty guushaas aheyd 2/1

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*